قبول الطلاب المستجدين للعام الجامعي 2016 2017م

0
Tuesday August 02, 2016 - 14:38:59 in الصور المنزلقة by Super Admin
  • الزيارات: 1829
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    قبول الطلاب المستجدين للعام الجامعي 2016 2017م

    Jaamacadda Islaamiga oo lagu yaqaan waxbarsho tayaysan, gashayna sandkeedii 16aad kana qalin jebiyeen 12-dufcadood, waxay ogaysiinaysaa dhammaan ardayda soo dhamaysatay waxbarashada dugsiyada sare isla markaana jecel inay wabarashadooda sii wataan il

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jaamacadda Islaamiga oo lagu yaqaan waxbarsho tayaysan, gashayna sandkeedii 16aad kana qalin jebiyeen 12-dufcadood, waxay ogaysiinaysaa dhammaan ardayda soo dhamaysatay waxbarashada dugsiyada sare isla markaana jecel inay wabarashadooda sii wataan ilaa heer jaamacadeed inay ka helayaan jamacadda Islaamiga waxbarasho tayo leh iyadoo ay ka howlgalayaan jaamacadda profisooro aqoon durugsan u leh maadooyinka ay dhigayaan.

Jaamacadda Islaamiga Waxaay ka kooban tahay shan kuliyadood oo kala ah:

1. Kulliyada Shareecada oo leh takhasusyada kala ah :

a) Qaybta Fiqhiga

b) Qaybta Al-kitaab wa sunna

c)Qebta Xaadiithka iyo culuumtiisa

d) Qeybta Qur’aanka iyo culuumtiisa.

2. Kulliyada waxbarashada oo leh takhasusyada kala ah :

a)Qaybta Sayniska (Math/Physics), (biology/chemistry) .

b) Qaybta Cilmiga Bulshada (Juqraafi iyo Taariikh).

c)Qaybta Luqadda Carabiga.

3. Kulliyada Economics and Management Sciences oo leh takhasusyada kala ah:

a)Qaybta Dhaqaalaha(Economics).

b) Qaybta Maamulka iyo ganacsiga ( Bus/Admistration).

c) Qeybta xisaabadka (Accounting).

d) Qeybta bankiyada islaamiga (Islamic Banking).

4. Kulliyadda cilmiga computer-ka (Computer Science and Information technology) oo leh takhasusyada kala ah:-

a) Computer science

b) Information Technology (IT).

Sidoo kale waxaa ay jaamacddu leedahay barnaamij aqoon dirsi ah, oo loogu talagalay inay ka faa’idaystaan ardayda shaqaysa iyo kuwa ku nool goballada dalka iyo dibaddisaba.

 

Hadaba jaamacadda Islaamigu waxaa kaloo ay kuu haysaa qeybta daraasada sare (post graduate), si ay uga faa’iideystaan ardayda ka soo qalin jebisay jaamacadaha.

 

Jaamacaddu waxay bixinaysaa Barnaamij Mastar Digree oo ka kooban takhasusyada kala ah:

1. اللغة العربية

2. أصول الفقه

3. الفقه الإسلامي

4. الحديث وعلومه

5. التربية (المناهج وطرق التدريس)

 

Haddaba dhamaan ardayda danaynaysa waxbarashada heer Jaamacadeed Bacholor Digree iyo Mastar digree waxay Jaaamacadda Islaamigu ku wargelinaysaa in isdiiwaangelinta sanad Jaamacadeedka 2016 – 2017 ay ka socoto Xarumaha Jaamacadda oo ku kala yaala jidka warshadaha, dhabarka dambe ee IVECO , KM4 ka soo horjeedka dugsigii 21-October iyo Dharkeynley agagaarka Masjidka Khaliil ,

saacadaha isdiiwaangelinta waa 8:00 subaxnimo ilaa 3:00 galabnimo maalin kasta.

Maamulka Machad Al-Nuur ee raacsan Jaamacadda Islaamiga wuxuu sidoo kale ogaysiinayaa dhamaan ardayda danaynaysa Mac-hadka inay isdiiwaan gelintu ka socoto isla xarumaha Jaamacadda Islaamiga.

 

 

 

Wixii faahfaahin kala xiriir :

 

Tel : 0615519983, 0615980949,0699774707, 0615573015,0695564709

 

 

 

Jaamacadda Islaamiga

 




اترك تعليقا

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip