Jaamacada islaamiga waxay kamid tahay jaamcadaha ugu waaweyn ee ka shaqeeya dalkeena Soomaliya, laga soo bilaabo sanadku markuu ahaa 2001.
Jaamcadda Islaamiga waxaa furay aqoonyahano soomaaliyeed oo ka damqaday dhibaatadii ka dhacday dalka iyo burburkii ku yimid haya ‘dihii waxbarashada kadib markii ay burburtay dowladii dhexe ee Somalia.
Jaamacadd Islaamiga waxaa lagu yaqaanaa inay u gudbiso bulshada soomaaliyeed adeeg waxbarasho oo tayo leh, waxaana ka qalin jebiyay aqoonyahanno aad badan oo haysta takhasusyo kala duwan, waxeey qaar kamid ah soo diyaariyeen shahaadooyinka Masterka & PhDda oo ay ka soo qaateen jaamacado waaweyn oo caalami ah, waxeyna ka shaqeeyaan hadda goobo muhiim u ah bulshada sida waxbarashada, arimaha bulshada, dhaqaalaha, garsoorka iyo adeegyada kale oo waxtar u ah dalka.
Copyright © 2014 - 2025 Jaamacada islaamiga Soomaaliya All Rights Reserved. Site Designed & Developed by Ileys Inc