Jaamacadda islaamiga oo u qabatay xaflad qalin jebin Dufcadii 12aad.

0
Wednesday March 22, 2017 - 20:25:52 in Sawirrada Isrogrogaya by Super Admin
  • Visits: 2977
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaamacadda islaamiga oo u qabatay xaflad qalin jebin Dufcadii 12aad.

    Waxaa manta munaasabad qalinjebin oo si heersare ah loo soo abaabulay lagu qabtay magaalada Muqdisho arday gaareysa 265 arday oo ka qalinjebiyay kuliyadaha kala duwan jaamacadda islaamiga, sida kuliyadaha Shareeca, Tarbiya (waxbarashada), Computer Sc

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa manta munaasabad qalinjebin oo si heersare ah loo soo abaabulay lagu qabtay magaalada Muqdisho arday gaareysa 265 arday oo ka qalinjebiyay kuliyadaha kala duwan jaamacadda islaamiga, sida kuliyadaha Shareeca, Tarbiya (waxbarashada), Computer Science.

Munaasabadan ayaa waxaa ka qeyb galay Maamulka Jaamacadda Islaamiga, Macalimiin, Arday, Madaxda Kale oo ka socotay Jaamacadaha ku yaalla dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho, Hay’adaha waxbarashada, shirkadaha, Bankiyada, iyo kuwa kale.

Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Islaamiga C/qaadir Cali Muumin oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay ka qeyb qaadashada xafladda loo qabtay Dufacda 12-aad ee ka qalin jebisa Jaamacadda Islaamiga, wuxuu sidoo kale sheegay Afarsano ka hor in Jaamacadda ay ku soo biireen Ardadan maanta qalin jebineysa, iyaga oo soo qaatay SideedSemester oo Waxbrasho ah.

Bashiir Cabdi Rabi Xasan oo ka mid ah Ardada Jaamacadda Islaamiga, oo Munaasabadda ka hadlay ayaa soo hadal qaaday Abaaraha dalka ka jira ee saameeyay dadka iyo duunyada, wuxuuna lacag dhan Kun Dollar ku wareejiyay Maamulka Jaamacadda, si ay u gaarsiiyaan dadka dhibaateysan.

Dhanka kale qaar Ka mid ah Ardaydii Qalin jabisay Maanta ayaa ka warbixiyay dareenkooda iyo waxyaabaha ay barteen, iyagoo u mahad celiyay Maamulka Jaamacadda Islaamiga iyo barafasooradii wax u soo dhigay.

Sidoo kale dadkii munaasabdda ka hadalay ayaa aad ugu amaanay Jamacadda Islaamiga waxqabadkeeda balaaran, iyagoo sheegay iney ka mid tahay Jaamacadaha ugu faca weyn dalkeena Soomaaliya gudbisana tacliin tayeysan si loo daboolo baahida dalka ee dhanka waxbarashada sare, waxaana sanad walba ka qalin jebiya Arday fara badan, kuwaasi oo bartay Takhasusyo kala duwan bulshaduna aad ugu baahan tahay.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip