Arigtada, Fariinta iyo Yoolasha Jaamacada

a) ARIGTIDA JAAMACADA:

jaamacada islamiga ah ee Somalia waxay hiigsanaysaa in ay naqato tan ugu wanaagsan jaamacadaha dalka iyo kuwa gobalka ba dhanka soosaarida dad kufyaal ah oo wax tar ah awoodane ilaah idinkiisa hormarinta bulshada iyo kor uqaadideeda.

 

b) FARIINTA JAAMACADDA:

Fariinta jaamacada islamica waxay tahay fidinta cilmiga, ilbaxnimada, qiyamka islaam iyo ugudbinta ardaydeeda adeeg waxbarasho oo aad usareeyo oo ah waxbarasha heerka jaamacadeed ah iyo cilmi baaris iidoo la adeegsanaayo wadooyinka iyo wasiiladaha ugu wanaagsan ee laysku gaarsiiyo aqoonta iyo xirfahada si loo helo dad ehel u ah lehne kafaa,a aad usaraysa oo ay ku awoodi karaan in ay ka jawaabaan baahiyada kaladuwan ee hormarinta umada iyo kor uqaadideeda iidoo la raacaayo hab wax soo saar lana hor marinaayo mar waliba.

 

c) UJEEDOOYINKA JAAMACADA:-

Ujeedooyinka jaamacadu waxay yihiin sida soo socoto:

1.Dhisida shakhsiyada ardayga jaamiciga ah oo isu dheeli tiran iidoo kor loo qaadaayo garaadkiisa aqooneed jicsin ahaane loo siihaayo qiyamka islaamiga ah.

2.Ilaalinta luqada qur,aan ka kariim ka iidoo lagu dhigaayo jaamacada cilmibaarisyane lagu qoraayo.

3.Siinta fursada wax barashada sare tiro tan ugu badan ee suura gal ah oo ka mid ah ardayda kasoo baxday dugsiyada sare ama kuwa u dhigmo.

4.Kor uqaadida heerarka kala duwan ee aqooneed iyo xirfadeedba ee ardayda.

5.Soo saarida koox mu,ahal u ah lehne kafaa,aat cilmiyeed oo aad usarayso awoodi karane in ay qayb ka qaataan qaadida xilalka iyo in ay sugaan shaqadooda si ay ula jaanqaadaan hurumarka aqoon iyo ilbaxnimo ee umadayna.

6.Ka qayb qaadashada kor u qaadida tayada shaqaalaha ee hay,daha wax barashada dalka.

7.Ka qayb qaadashada keenida iyo kor uqaadista aqoonta iyo tiknooloojiyada si loogu adeego bulshada iyo dalka.

8.Xil is ka saarida cilmbaarista

9.Ka qayb qaadasho mug leh shirarka iyo nadwooyinka cilmiga ah iidoo ujeedadu tahay in laga qayb qaato garaadka aqooneed loona duwaayo dhanka u adeegida bulshada iyo dalka.

10.In la sameeyo xiriiro cilmiyeed oo joogta ah oo lalayeesho jaamacada dalka iyo kuwa dibada taasoo gacan ka gaysan karaysa in la gaaro ujeedooyinka jaamacada iyo kobcinta, kor uqaadida cilmiga dhamaan heerarkiisa kala duwan iidoo loo maraayo habka is dhaafsiga khibradaha, aqoonta iyo xirfadahaba.