Xafladda qalin jabinta dufcada 14aad ee Bachelor-ka iyo tan 2aad ee Master-ka.

0
Friday December 07, 2018 - 20:11:05 in Sawirrada Isrogrogaya by Super Admin
  • Visits: 1590
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xafladda qalin jabinta dufcada 14aad ee Bachelor-ka iyo tan 2aad ee Master-ka.

    Arbaco 5/12/2018 Jaamacadda Islaamiga waxey munaasabad Qalin jebin ah u qabtay Arday dhameysatay qeybaha kala duwan ee Jaamacadda oo isugu jira heerka 1aad waxbarashada jaamacadda (Bachelor Digree) iyo heerka 2aad Master Digree, Munaasabadda qalinje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arbaco 5/12/2018 Jaamacadda Islaamiga waxey munaasabad Qalin jebin ah u qabtay Arday dhameysatay qeybaha kala duwan ee Jaamacadda oo isugu jira heerka 1aad waxbarashada jaamacadda (Bachelor Digree) iyo heerka 2aad Master Digree, Munaasabadda qalinjebinta waxaa kasoo qeybgalay Maamulka Jamacadda, Macalimiinta, Ardayda waalidiinta iyo marti sharaf kale oo ka kooban Madax ka socotay hay'adaha waxbarashada iyo ganacsiga sida: Jaamacadaha machaahidda daladaha, sharikadaha, Bankiyada iyo qeybaha kala duwan ee bulshadu leedahay.

Xafalada inti ay socotay ayaa halkaas waxaa kahadalay mas,uuliyiin kala duwan oo lawadaagay ardayda qalinjabisay farxadooda una soo gudbiyay hambalyo iyo bogaadin kuna dhiira geliyey ardada qalin jabisay inaysan halkaa uga harin waxbarshada ee horay usii wataan.

Gudoomiye ku xigeenka Jaamacadda Islaamiga Ustaad C/qaadir Cali Muumin oo sharaxaad ka bixiyay jaamacadda iyo ujeedooyinka loo aas’aasay ayaa sheegay in dhidibada loo taagay 2001 waxaana ka qalinjebiyay arday badan oo gaaray 14 dufacadood oo ay ka midyihiin ardaydaan manta loo qabtay xafladda, Jaamacaddu waxay soo saartay aqoonyahano waxter leh, dalkana wax kusoo kordhiyay.

Dhanka kale qaar Ka mid ah Ardaydii Qalin jabisay ayaa ka warbixiyay dareenkooda ku aadan xafladda iyo waxyaabaha ay barteen, iyagoo u mahad celiyay Maamulka Jaamacadda iyo barafasooradii wax u soo dhigay intey diyaarinaayeen darajada eey qaadanayaan manta, Bachelor iyo Master.

Jaamacadda Islaamiga waxey ka mid tahay Jaamacadihii ugu horeeyey ee dalka laga hir geliyo tan iyo burburkii kadib. waxaana sanad walba ka qalin jebiya Arday fara badan, kuwaasi oo bartay Takhasusyo kala duwan bulshaduna aad ugu baahantahay.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip