Xafladda Qalin jabinta dufcada15aad

0
Saturday November 30, 2019 - 07:01:07 in Sawirrada Isrogrogaya by Super Admin
  • Visits: 1194
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xafladda Qalin jabinta dufcada15aad

    Maamulka Jaamacadda Islaamiga ee Muqdisho ayaa xaflad sagootin ah u sameeyay ardayda sanadkaan ka qalin jabisay Jaamacadda, waxaana munaasabaddaas goobjoog ka ahaa Maamulk Jaamacadda, Macallimiinta, Ardayda, Waalidiinta, qaar ka mid ah Madaxda Jaamac

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Jaamacadda Islaamiga ee Muqdisho ayaa xaflad sagootin ah u sameeyay ardayda sanadkaan ka qalin jabisay Jaamacadda, waxaana munaasabaddaas goobjoog ka ahaa Maamulk Jaamacadda, Macallimiinta, Ardayda, Waalidiinta, qaar ka mid ah Madaxda Jaamacadaha, Madaxda Shirkadaha iyo marti sharaf kale oo badan.

Ardayda sanadkaan ka qalin jabisay Jaamacadda oo tiradoodu gaarayso 283 arday, isuguna jira wiilal iyo gabdho ayaa ka Qalin jebiyay Kulliyadaha kala duwan ee jaamacadda, sida:

1. Kulliyada Shareecada iyo Qaanuunka

2. Kulliyada Dacwada iyo Usuulu-Diin,

3. Kulliyada Dhaqaalaha & Culuumta Maamulka

4. Kulliyadda Waxbarashada

Gudoomiye ku xigeenka Jaamacadda Islaamiga Prof. Cabdulqaadir Cali Muumin ayaa hambalyo iyo bogaadin ka dib uga mahadceliyay Maamulka iyo Barayaasha Jaamacadda sida wanaagsan ee ay u soo saaraan sanad walba arday tayo iyo anshax wanaagsan leh, kuwaas oo kaalin weyn ka geysta horumarka iyo hogaanka Bulshada Soomaaliyeed, wuxuuna sidoo kale u mahadceliyay waalidiinta waqtiga adag iyo duruufaha nololeed wax ku soo baray ubadkooda, kuwaas oo aanan marnaba ka caajisin waxbarista iyo barbaarinta Ubadkooda.

Madaxdii iyo marti sharaftii kala duwanayd ee munaasabadda lagu casuumay ayaa ugu hambalyeeyay Maamulka Jaamaca doorka weyn ee ay ugu jirto Bulshada Soomaaliyeed iyo faafinta Dacwada iyo Diinta Islaamka, iyagoona ku dhiirrigaliyay kuna bogaadiyay dadaalkaas qiimaha badan, waxayna ugu baaqeen iney sii wadaan dadaalkaas

Jaamacadda Islaamiga ee Muqdisho oo la aas`aasay 2001 ayaa waxay sidoo kale u dabaal dagtay sanad guuradeedii 19aad, iyadoona ku can baxday waxbarasho tayaysan iyo anshax wanaagsan intaba, wuxuuna Maamulka Jaamacaddu ku dadaalayaa sidii loo joogtayn lahaa dadaaladaas qiimaha badan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip