Farriinta Guddoomiyaha

0
Tuesday September 16, 2014 - 05:25:25 in Jaamacadda by Super Admin
  • Visits: 2031
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farriinta Guddoomiyaha

    Ilaah ayaa mahad is ka leh, asiga ayaan mahadinaynaa, kaalmo waydiisahaynaa, kana megen gelaynaa dhibka nafafyaashayna iyo xumaanta waxa aan samaynay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ilaah ayaa mahad is ka leh, asiga ayaan mahadinaynaa, kaalmo waydiisahaynaa, kana megen gelaynaa dhibka nafafyaashayna iyo xumaanta waxa aan samaynay.

Qofkii uu allah hanuuniyo cid baadiyeyn karta malahan, cidii uu allah baadiyeeyane cid hanuunin karta malahan. Waxaan qirayaa in uu san ilaah jirin ilaahay kaliye mooyee oo aan waxba lala wadaajin, sidoo kale waxaan qirayaa in Nabbi Mohamed (Naxariis iyo Nabad gelyo Korkiisa ha ahaatee) uu yahay adoonkii allah iyo rasuulkiisa, allah ayaa soo diray asigoo naxariis ah una soo diray dhamaan umamada adoonka ku nool asigoo hanuuninaayo, faraxgelinaayo unane digaayo. Waa uu soo gaarsiiyay fariinti loo soo dhiibay waana gutay wixi lagu amaaminay waana unaseexeeyay umada, waxowna ku dagaalamay wada allah si dhab ilaa dhabtii uga timaado. Naxariisyaasha allah iyo nabadgelyadiisa korkiisa ha ahaato asiga iyo elehkiisa, asaxaabtiisa iyo in alle intii ku raacday wanaag ilaa laga gaaraayo maalinta abaalmarinta.

Intaas ka dib jaamacada islaamiga ee soomaaliya waa hay,ad waxbasho, bulshadeed kuna hogaamiso dhanka wax barashada sare, hab maamuus aqooneed oo aad u sareeyane ku leh bulshada soomaaliyeed dhexdooda, arinkaasne qof ma inkiri karo, waxayna ka shaqaysaa in ay soo gaarsiiso dhalinta cusub dhalaxkii diineed, bulshanimo, ilbaxnimo, taariikhayd iyo aqooneedba, sidoo kale jaamacadu waxay si aad ah uga shaqaynaysaa intii awoodeeda ah in ay kor uqaado awoodadaha jaamacada iyo kobcinta garaadka iyo waayo aragnimo ee ardaydeeda iidoo la kaashanaysaa arinkaas dhamaantiis waaya aragnimada aqooneed iyo aragti ee macalimiinteeda, sidoo kale waxay jaamacada qaadanaysaa ka faaiidaysiga waxyaabaha soo cusboonaada ee aqooneed, habab cilmiyeed iyo tiknoolojiyeed iidoo ay bar bar socotone ka faaiidaysiga aragtida bulsheed ee wax galka ah si ay ugu adeegto jamaacadu dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada waxayna jaamacadu mar waliba ku dhaqmaysaa hababka ugu wanaagsan ee hormarineed iyo joogtaynta u diyaarinta ilaalinta tadayada waxbarasho iyo ku kalsoonaanta baraamijyada waxbarasho.

Sidoo kale jaamacadu waxay ka shaqaynaysaa sidi ay unaqan laheed xarun iftiinisay wax alaale wixi cusub ee aragti, iyo aqoon ah, sidoo kale jaamacadu waxay ahaanaysaa meesha ay ka soo ka soo baxaan aragtiyada culumada, mufakiriinta, hogaamiyaasha, iyo kuwa uloleeyo hagaajinta iyo hor marinta bulshada, waana meel loo diyaariyay kuwa ilaaliyo caqiiqada iyo dhaqanka wanaagsan ee ay umudu raadinayso sidii ay u ilaashan laheed korna ugu qaadi laheed looguna barbaarinlahaay dhalinta cusub sidi ay u ilaashan lahaayeen, sidoo kale jaamacadu waxay ka shaqaynaysaa sidi ay unaqan laheed minaarada ay ku kulmaan waayo aragnimada kala duwan lays kuna dhaafsado aragtidayada si kor loogu qaado garaadka aqooneed iyo cilmi loogana jawaabo hiigsiyada kala duwan ee bulshada, yididiiladooda, iyo aragtiyadooda loona xaliyo dhibaatooyinka haysto.

Kanina waa mid saaraayo qoorta maamulka jaamacada, macalimiinteeda iyo inta kashaqaysa arimaha jaamacadaba ku qasbanaanta in ay ilaaliyaan booskaas, iyo in ay horay usocdaan si ay ula jaan qaadaan horumarka aqooneed ee aduunku uu manta marayo, iyagoo muwaajahaynaayo is bedelada ka dhacayo caalamka manta, qabsanaayane asalnimada iyo in ay xaqeejiyaan arinkaas iyagoo adeegsanaya hababka cusub ee aqoonta, cilmi barista iyo u adeegida bulshadaba.

Jaamacadu waxay ka shaqaynsaa wiligeedba sidii ay u hor marin laheed si joogta ah barnaamijyadeeda wax barasho uguna soo kordhin laheed kuwa cusub hab la jaan qaadi karo is bedelada aqooneed iyo wax barasho, sido kale jaamacadu waxay ku dadaalee in ay soo kordhiso takhasusyo iyo kuliyaad cusub oo la jaan qaadayo baahiyada aqooneed iyo hormaniyeed ee kala duwan, sidaas daraadeed jaamacadu waxay bilaabi doontaa sanada soo socdo hadii uu allah idmo takhasusyo cusub hadii ay naqan laheed barnaamijyada baajulaarka ama kuwa mastarka ba, sida kuliya, caafimaadka, culuumta caafimaaka guud, handasada iyo culuumta tiknooloogiyada, caafimaadka xoolaha, cilmiga beeraha, iyo xarun cilmi baaris iyo kuwa kalaba, iidoo intaas lagu deraayo in jaamacadu dhisayso magaalo jaamacadeed diyaarinaysane xarun wax barasho tii ugu wayneed ee soomaaliya, taasoo kulminayso kuliyadaha jaamacada, maktabada iyo dhismaha maamulka sidoo kale meeshi ay degi lahaay ardayda, macalimiinta, iyo shaqaalahaba.

 

Ustaad : Maxamuud Ciisa Maxamuud

Maamulaha jaamacada




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip