Nidaamka Waxbarasho

0
Tuesday September 16, 2014 - 05:21:25 in Jaamacadda by Super Admin
  • Visits: 2818
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nidaamka Waxbarasho

    Nidaamka wax barasho ee jaamacada islaamiga ah waa nidaamka looga dhaqmo inta badan jaamacadaha dunida, faahfaahintiisune waa tan soo socoto:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nidaamka wax barasho ee jaamacada islaamiga ah waa nidaamka looga dhaqmo inta badan jaamacadaha dunida, faahfaahintiisune waa tan soo socoto:

Sanadka warbarashada: Lama Simistar:-

·Jaamacadu waxay ku shaqaysaa nidaam ka ku salaysan simistar, halkii simistarne waxaa uu soconayaa mudo sideed iyo toban (18) isbuuc ah iidoo ay ku jiraan mudada iswaangelinta iyo imtixaan qabuulka.

·Mustawaha waxbarasho: waa mid tusinaayo marxalada waxbarsho ee ardayga, tirada mustawayaasha ay qasabtahay ardaygu in uu qaato si uu uqalin jebiyane waa sideed (8) mustawo, muda mustawahune waa hal simistar.

·Qorshaha wax barasho: waxaa uu ka koobanyahay isu geynta muqararaadka guud, waxayna u kala qaybsanyihiin sedex (3) qaybood oo lagu kala magacaabo, madlubaatu jaamicah, madluubaatu kuliyah iyo madluubaatu takhasus.

·Muqararka waxbarasho: waa maado waxbarasho oo raacsan simistar gooni ah oo ka mida qorshaha wax barasho ee takhasus kasta, muqarar kastane waxaa uu leeyahay nambar, magac iyo tilmaam cadaynaysaa mufradaadkiisa kana soocayso muqaraadka kale.

·Wuxda waxbarasho: waa muxaadaro isbuuci ah oo mudadeedu aysan ka yareen hal saac oo kaamil ah.

·Daraja shaqooyinka simistar ka: waa darajada lagu siiyo ardayga shaqooyinka aw qabtay aawgeed ints la gu jiro simistarka sida imtixaanaadka tijaabada ah, baxsi iyo shaqooyinka kale oo la xiriira simistarkaas.

·Imtixaanka ugu danbeeyo simistarka: waa imtixaan la qaado hal mar simistar kasta dhamaadkiisa.

·Darajada imtixaanka ugu danbeeya simistarka: waa darajada uu ardaygu ka helo maado kasto oo kamid maadooyinka uu qaatay simistarka.

·Darajada guud: waa isu gaynta darajoojinka shaqada simistar oo lagu deray darajada imtixaanka ugu danbeeya simistar kasta, waxaana lagu xisaabaa boqoley.

·Al- taqdiir: waa tilmaanta nisbada boqolayda, ama waa calaamada abjadiga ah oo tilmaamayso darajada guud ee ardaygu helay simistar kasta.

·Mucadalka simistarka: waxaa lagu helaa dhibcaha guud oo uu ardaygu helo oo loo qaybiyo wadarta maadooyinka uu qaatay simistar kasta, dhibcahaane waxaa lagu xisaabaa iidoo lagu dhufto wuxdada muqararka ku ah wasanka taqdiirka ee uu ardaygu ka helay muqarar kasta oo uu ardaygu dhigtay.

·Mucadalka taraakumiga ah: waxaa lagu helaa tirade guud oo uu ardaygu ka helay dhamaan maadooyinka uu soo dhigtay tan iyo intii uu jaamacada dhigahaayay oo loo qaybiyay wadarta wuxdooyinka.

·Taqdiirka guud: waa qiyaaska mustawaha aqooneed ee ardayga inta lagu guda jiro waxbarashadiisa jaamacada.

·Sijilka waxbarashada: waxaw cadeeyaa qaab socodka waxbarashada ardayga, waxaana kamid ah maadooyinki uu ardaygu qaatay simistar kasta namberkeeda, tirada wuxdooyinka muqararka ku ah, taqdiiraadka uu ardaygu helay iyo qiimeentooda, sidoo kale waxaw cadayhaa sijilku mucadalka guud ee simistarka, mucadalka taraakumiga ah iyo cadayta taqdiirka guud.

 

HAB SOCODKA WAXBARASHO EE HEERARKA:-

· Habka waxbarasho ee jaamacadu waa mid ku salaysan habka simistarka.

· Xiliga waxbarasho ee jaamacada waxaa uu ka koobanyahay sided (8) mustawo.

· Mudada mustawaha waa hal simistar, sanadka waxbarashane waxaa uu ukala qaybsanyahay lamo (2) simistar.

· Ardaygu waxaa uu ku socohaa si tadaruj ah marka uu ku baaso maadooyinka simistarada waxbarashada, si waafaqsan sharciyada ka gudbida simistar una gudbida mid kale.

· Muqararaadka wax barashada ee takhasus kasta waxaa loo qaybiyaa mustawayaad, mustawe kastane waxaa uu leeyahay tiro wuxdooyin ah hadba sida ay keenayso qorshaha waxbarasho ee muqararka.

· Tirada ugu yar ee saacadahada waxbarashada waa Shan iyo toban (15) saacadood.

 

 

AQBALIDA ARDAYDA CUSUB:-

Gudiga jaamacada asigoo tixraacaayo soo jeedinta golayaasha kuliyadaha waxaw go,aan ka gaaraa tirada arday oo ay suura gal tahay in la aqbalo sanad dugsiyeedka cusub.

 

Barnaamijyada Baajulaarka:-

Ardayda cusub ee danaynayso barnaamijka baajulaarka waxaa laga rabaa shuruudahaan soo socdo:-

1.Waa in uu haystaa shahaadada dugsiga sare ama wax u dhigma.

2.In habdhaqankiisa iyo taariikh nololaydkiisa ay ahaadaan kuwa wanaagsan.

3.Waa in uu ku baasaa imtixaanka tijaabada ah ama qaabiladaada shakhsiga ah hadii uu arko gudiga jaamacada.

4.Waa in uu ahaadaa mid wanaagsan caafimaad ahaan.

5.Waa in uu dhamaystiraa dhamaan shuruudaha kale ee gudiga jaamacada xadidaayo loona sheegidoono xiliga gudubsiga.

 

Barnaamijka waxbarashada sare:-

1.Waa in uu ka haystaa jaamacad la aqoonsanyahay shahaadada baajulaarka ama laysaan kuna soo baasaa ugu yaraan darajada jayid.

2.Waa in uu ku baasaa imtixaan kasta ama qaabilaad shakhsiyadeed oo gudiga waxbarashada sare ee jaamacada ay u sameeyaan.

3.In uu si guul ah uga baasaa maadooyinka la soo haleeshiiyay hadi la helo.

4.In yuu yahay mid caafimaad ahaan wanaagsan.

 

AQBALKA CAADIGA:

Aqbaladaada ardayga iyo is diiwaan gelintiisa waxay dhamaanaysaa inta aysan daraasadu bilaaban ka hor, asigoo ardaygu nafsad ahaantiisa uu joogo si aw ula socdo howlaha isdiiwaan gelinta, una bixiyo lacagta loo ga baahanyahay wiliba aw soo saarto bidaaqada jaamacada.

 

AQBALAADA ARDAYGA SOO DAAHAY:

Ardaygii kasoo daaho isdiiwaan gelinta mudo aan ka badneen sedex (3) isbuuc laga soo bilaabo xiliga ay bilaabatay waxbarashada, waxaa loo ogolyahay hormuudka xafiiska qabuulka iyo iswiin gelinta in uu aqbalo asigoo la socod siihaayo hormuudka kuliyada ay khuseyso.

 

DIB U AQBALIDA:-

Ardaygi horay uga tegay jaamacada asigoo haysta mustawo wanaagsan waxaa uu xaq uleeyahay in uu dalbado in dib loo aqbalo asigoo dhamaystiraan dhamaan shuurada loo ga baahanyahay is diiwaan gelintiisa bixinaayane lacagta laga rabo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip