Taariikhda Jaamacadda

Jaamacada islaamiga ah ee soomaaliya waa hay,ad wax barasho oo kamida hay,adaha wax barashada sare ee ka shaqeeyo wadanka soomaaliya, waxaana la aasaasay sanadkii 1422 ee taariikhda hijriyada kuna beegneed sanadkii 2001 ee taariikhda miilaadiyada waxaana aasaasay aqoonyahano soomaaliyeed oo ka damqaday burburkii hay adihi wax barashada dalka kidib markii ay burburtay dowladi dhexe ee dalka, arinkaas oo qasab uga dhigay aqoonyahadanada umada ee masayrooyinka ah in ay ku bixiyaan intii dadaalkooda ah sidi ay uga fududayn lahaay xanuunyada tirada badan ee shacabka ku dul habsaday, una qaadan lahaayeen qaar kamida xilalka ka saran ka badbaadinta wadankaan la gacma duuban in uu kuu sii hoobto godka uminimada iyo jahliga labaas oo ah lamada sabab u ah gadaalada bulshada dhexdeeda ah.

ku dhawaad mudo 13 sano ah jaamacadu waxay ugudbinaysay bulshada soomaaliyeed adeeg waxbarashada sare oo aad usareeyo waxayna jaamacadu soo saartay 9 dufcadood oo haysto takhasusyo kala duwan, waxayna ka shaqeeyaan koobaha kala duwan ee suuqyada shaqada hadii ay naqan laheed in ay ka shaqeeyaan dhinaca wax barashada ama dhanacyada kale sida arima bulshada, dhaqaalaha iyo wixii la mid ah oo ah meelaha ay bulshada soomaaliyeed ay ugu baahi badanyihiin xiligaan adag oo uu dalku maraayo.

Sidoo kale jaamacadu waxay u istaagtay intii karaankeeda ah wallow ay awoodaheedu aad u yar yihiiin in ay ka taageerto ardayda dhanka wax barashada ilaa iyo heer jaamacadeed si ay u woodaan in ay sii wataan waxbarashadooda waqtigaan adag ugana adeegaan bulshada soomaaliyeed dhanka wacyi gelinta, wax barashada, dhaqanka iyo gudbinta adeega bulshada si looga baxo dhibaatooyinkan lagu jiro.

Jaamacadu waxay usamaysay intii ay jirtay adeeg waxbarasho oo aad u wayn bulshada soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan ardayde kuwaas yimid jaamacada si ay miraheeda u gurtaan, waxayna jaamacadu naqatay maclam ilbaxnimo iyo tusaale aan nuuciisa oo kale uusan jirin oo looga day,do dhanka waxbarashada, Iyo il aqooneed ay ka soo burqadaan nawaabig dad ah oo ximbaarsan himo aad usarayso si ay ufaafiyaan qiyamka wanaagsan ee islaamka, kama na suulaayaan khariijiinta jaamacadaan in laga far muuqo bulshada dhexdeeda doorka ay ciyaaraayaan aawgiisa dhamaan dhinacyada kala duwan ee nolosha, hadii ay naqan laheed dhanka waxbarashada, arimaha bulshada, dhaqaalaha, siyaasada iyo dhanka maxkamadahaba.

 

 

ARIGTADA, FARIINTA IYO YOOLASHA JAAMACADA:-

 

a)ARIGTIDA JAAMACADA:

jaamacada islamiga ah ee Somalia waxay hiigsanaysaa in ay naqato tan ugu wanaagsan jaamacadaha dalka iyo kuwa gobalka ba dhanka soosaarida dad kufyaal ah oo wax tar ah awoodane ilaah idinkiisa hormarinta bulshada iyo kor uqaadideeda.

 

b)FARIINTA JAAMACAD:

Fariinta jaamacada islamica waxay tahay fidinta cilmiga, ilbaxnimada, qiyamka islaam iyo ugudbinta ardaydeeda adeeg waxbarasho oo aad usareeyo oo ah waxbarasha heerka jaamacadeed ah iyo cilmi baaris iidoo la adeegsanaayo wadooyinka iyo wasiiladaha ugu wanaagsan ee laysku gaarsiiyo aqoonta iyo xirfahada si loo helo dad ehel u ah lehne kafaa,a aad usaraysa oo ay ku awoodi karaan in ay ka jawaabaan baahiyada kaladuwan ee hormarinta umada iyo kor uqaadideeda iidoo la raacaayo hab wax soo saar lana hor marinaayo mar waliba.

 

c)UJEEDOOYINKA JAAMACADA:-

Ujeedooyinka jaamacadu waxay yihiin sida soo socoto:

1.Dhisida shakhsiyada ardayga jaamiciga ah oo isu dheeli tiran iidoo kor loo qaadaayo garaadkiisa aqooneed jicsin ahaane loo siihaayo qiyamka islaamiga ah.

2.Ilaalinta luqada qur,aan ka kariim ka iidoo lagu dhigaayo jaamacada cilmibaarisyane lagu qoraayo.

3.Siinta fursada wax barashada sare tiro tan ugu badan ee suura gal ah oo ka mid ah ardayda kasoo baxday dugsiyada sare ama kuwa u dhigmo.

4.Kor uqaadida heerarka kala duwan ee aqooneed iyo xirfadeedba ee ardayda.

5.Soo saarida koox mu,ahal u ah lehne kafaa,aat cilmiyeed oo aad usarayso awoodi karane in ay qayb ka qaataan qaadida xilalka iyo in ay sugaan shaqadooda si ay ula jaanqaadaan hurumarka aqoon iyo ilbaxnimo ee umadayna.

6.Ka qayb qaadashada kor u qaadida tayada shaqaalaha ee hay,daha wax barashada dalka.

7.Ka qayb qaadashada keenida iyo kor uqaadista aqoonta iyo tiknooloojiyada si loogu adeego bulshada iyo dalka.

8.Xil is ka saarida cilmbaarista

9.Ka qayb qaadasho mug leh shirarka iyo nadwooyinka cilmiga ah iidoo ujeedadu tahay in laga qayb qaato garaadka aqooneed loona duwaayo dhanka u adeegida bulshada iyo dalka.

10.In la sameeyo xiriiro cilmiyeed oo joogta ah oo lalayeesho jaamacada dalka iyo kuwa dibada taasoo gacan ka gaysan karaysa in la gaaro ujeedooyinka jaamacada iyo kobcinta, kor uqaadida cilmiga dhamaan heerarkiisa kala duwan iidoo loo maraayo habka is dhaafsiga khibradaha, aqoonta iyo xirfadahaba.

 

MAXAY YIHIIN MIISOOYINKA GAAR KA AH EE AY JAAMACADU LEEDAHAY:-

Jaamacadu waxay leedahay miisooyin farabada oo ay ka mid yihiin kuwaan soo socdo:

1.Macalimiin aqoon durugsan u leh casharada ay bixinaayaan

2.Manaajih wax barasho oo aad u hormarsan iyo maadooyin la dabaqi karo

3.Waxbarasho ku xiran baahida bulshada iyo suuqa shaqada

4.Maktabada cilmiyeed oo aad u wayn iidoo ay wiliba sahlantahay helida kutubaha yaalo

5.Ardayda jaamacada ka qalinjebisaa waa kuwa aad u tayo sareeyo lehne tayo iyo xirfadba

6.Goobo lagu nasto iyo hoolal macquul ah iyo wilibada dhismooyin aad u wanaagsan

7.Shaqaalo maamul oo aad loo caribiyay una shaqeeyo si is ku xirnaan ah

8.goobaha jaamacadu waa kuwa si sahlan lagu gaari karo

9.jaamacdu waxay leedahay habab cad oo la raacayo marka la qoraayo macalimiinta iyo kalkaaliyaashooda iidoo wiliba la hormarinaayo tayadooda

10.La fal gelida bulshada iyo la wadaagida waayo aragnimada, warbixinada, iyo aqoontadaba iidoo la samaynaayo nadwooyin iyo dowrooyin.

11.Jaamacadu waxay leedahay dhul wayn oo ay ugu talagashay in ay ka dhisto mashruuca maagalada jaamacada.