Habka Imtixaanaadka

0
Tuesday September 16, 2014 - 06:08:44 in Ardayda Mustaqbalka by Super Admin
  • Visits: 4932
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Habka Imtixaanaadka

    Habka Imtixaanaadka Jaamacadda Islaamiga ah ee Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Habka Imtixaanaadka Jaamacadda Islaamiga ah ee Soomaaliya

Qaybaha imtixaanaadka:-

a.Imtixaanka dowrka koobaad: - waa imtixaanka la qaado simistar kasta dhamaadkiisa ama marka ay dhamaadaan muqaraadka mustwaha, arday kastane waxaa qasab ku ah in uu galo imtixaankaas.

b.Imtixaanka dowrka labaad: - waxaw isugu jiraa imtixaanaadka badiilka iyo kan malaaxiqda.

1.Imtixaan badiilka: waxaa laga wadaa imtixaaka uu galo ardaygii ka maqnaay imtixaanka dowrka koobaad cudurdaar la aqbali karo aawgiis, waxaana la siihaa ardaygaas darajadii uu kaynsado.

2.Imtixaanka malaaxiqda: waa imtixaanka uu galo ardaygii ku dhacay ama ka maqnaaday iidoo awsan jirin cudur daar la aqbali karo, maado ama ka badan imtixaanka dowrka koobaad dhexdiisa ama imtixaan badiilka dhexdiisa, waxaana ardayga lasiihaa darajada najaax kaliya.

 

QIIMAYNTA HEERKA ARDAYDA EE IMTIXAANKA:-

1.Darajada guud ee muqararka kasta waxay ka koobantahay darajada shaqooyinka simistarka oo u dhiganta afartan boqolkiiba (40%) iyo darajada imtixaanka ugu danbeeya oo u dhiganta lixdan boqolkiiba (60%). Kuliyad kastane iida ayaa laga rabaa in ay doorato qaybinta ku haboon manaahijteeda.

2.Macalimiintu waxay ku qiimeeyaan natiijooyinka imtixaan ka nambaro sax ah oo aan laheen jajab.

3.Darajada najaaxa ee imtixaanka maado kaste waa lixdan boqolkiiba (60%). Gudiga cilmiga ee jaamacada waxaw xaq uleeyahay in uu u xadido kuliyadaha qaar darajo najaax kale.

4.Gudiga imtixaanaadka waxay xaq u leeyihiin in ay ardayga siiyaan shan (5) darajo oo dheeriya imtixaan ka hal muqarar oo uu ardaygu ku dhacay hadii uusan dhexdhexaadka darajooyinkiisa ee dhamaan muqararaadka aysan ka yareen lixdan iyo shan (65%) boqolkiiba, ama lama muqarar hadii uusan dhexdhexaadka darajooyinkiisa ee dhamaan muqararaadka ee uu imtixaanay aysan ka yareen todobaatan(70%) boqolkiiba.

5.Taqdiiraadka uu ardaygu helo ee muqarar kasta waxaa loo xisaabaa sidaan soo socoto:-

Boqolkiiba

Taqdiirka

Calaamada taqdiirka

Wasniga taqdiirka

95 – 100

mumtaas aad u sareeyo

A+

4,0

90 ilaa iyo wixi ka yar 95

mumtaas

A

3,75

85 ilaa iyo wixi ka yar 90

Jayid jidan aad u sareeyo

B+

3,5

80 ilaa iyo wixi ka yar 85

Jayid jidan

B

3,0

75 ilaa iyo wixi ka yar 80

Jayid aad usareeyo

C+

2,5

70 ilaa iyo wixi ka yar 75

jayid

C

2,0

65 ilaa iyo wixi ka yar 70

Maqbuul aad u sareeyo

D+

1,5

60 ilaa iyo wixi ka yar 65

maqbuul

D

1,0

Wixii ka yar 60

raasib

F

0

 

HELIDA MARTABADA SHARAFKA:-

1.Martabada sharafka koobaad waxaa la siiyaa ardaygii helaa iskucelcelis taraakumi ah oo u dhaxeeyo (3, 75) ilaa iyo (4, 00) marka uu jaamacada dhamaynaayo. Martabada sharafka labaadne waxaa la siiyaa ardaygii helaa iskucelcelis taraakumi ah oo u dhaxeeyo (3, 00) ilaa iyo (3, 75).

2. Helida martabada sharafka koobaad iyo labaadba waxaa loo shardiyaa shuruudahaan soo socdo:-

a. Waa in uusan eheen ardaygu mid ku dhacay muqarar inta uu dhiganaayay jaamacada.

b. Ardaygu waa in uu ahaadaa midku dhamaystiray dhamaan wixi looga baahaanyaan in uu ku qalin jebiyo mudo aan ka badneed afar (4) sano.

 

LAWAABIDA IMTIXAANAADKA:-

1. Waqtiyada iyo jadwalada imtixaanaadka waxaa la sheegaa ugu yaraan labo (2) isbuuc ka hor inta aysan bilaaban imtixaanaadka, lamana ogolo in la bedelo hadii la sheego ka dib.

2. Imtixaanka dowrka koobaad waxaa la qabanayaa dhamaadka xili kasto ee waxbashada muqararaadka taasoo ladhamaahayso dhamaashaha xiligaas wax barasho.

3. Waxaa loo ogolaa in uu imtixaan ka galo ardaygii soo buuxiyo shuruudaha joogtaynta imaanshaha iyo bixinta lacagta wax barashada.

4. Ardayga waxaa qasab ku ah marka uu gelaayo qolka imtixaanka in uu muujiyo bidaaqada jaamacada ama wax u dhigmo hadii ay ka luntay.

5. Ma jiryo arday loo ogolaahaa in uu la galo qolka imtixaanka wax allale wixi la xiriira maada cilmiga oo ay suura gal tahay in uu ka faaiidaysto ama ajhisada isgaarsiinta ilaa laga helo ogolaasho guud inta uusan bilaaban imtixaanka.

6. Ma jiryo arday loo ogolaahaa in uu galo qolka imtixaanka markay ka soo wareegto nus saac laga soo bilaabo xiliga bilaabasha imtixaanka.

7. Ma jiryo arday loo ogolaahaa in uu ka baxo qolka imtixaanka marka laqaybiyo warqada su,aasha kibid ilaa aw ka soo wareego nus saac laga soo bilaabo xiliga bilaabashada imtixaanka, sidoo kale looma ogola ardayga in uu ku soo laabto qolka imtixaanka marka uu dhiibo warqada jawaabta kidib.

8. Waxaa ardayga qasabka ku ah in uu is ka hubiyo joogitaankiisa asigoo saxiixaayo magaciisa hortiisa ee ku jiro liiska ardayda imtixaanayso.

9. Ardaygii imaanwaayo qolka imtixaanka cudur jiro aawgiis waxaa loo diyaarihaa boos gooni ah oo uu ku imtixaano waxaana kormeeraayo komeeri marka uu ogolaado gudiga imtixaanaadka kidib.

10.Ardaygii ka maqnaada imtixaanka ugu danbeeyay waxaa la siinayaa eber imtixaankaas, waxaana taqdiirkiisa muqararkaas loo xisaabaa iidoo loo fiirihaayo darajaadkii uu ka keensaday shaqooyinka fasalka.

11.Hadii aysan ardayga usuura gelin in uu yimaado imtixaanka kama danbaysta ah ee mid ka mida maadooyinka fasalka cudur ku qasbay aawgiis gudiga kuliyada waxaa u banaan – asigoo eegaayo xaaladaha gaarka ah - in uu aqbalo cudur daarka ardaygaas una ogolaado in uu siiyo imtixaan badiil ah in ta lagu guda jiro ugu badnaan mudo aan dhaafeen isbuuca sedexaad laga bilaabo bilaabashada daraasada fasalka ku xiga, waxaana ardaygaas la siihaa taqdiirki uu keensado marka uu galo imtixaanka badiilka ah.

12.Waxaana laga rabaa ardayga si loogu qabto imtixaanka badiilka ah in uu soo gudbiyo cudur daarka ku qasbay in uu dib u dhaco laga bilaabo marka uu cudurkaas qabsaday ilaa laga gaaro isbuuca labaad dhamaadkiisa laga soo bilaabo markii uu dhamaday imtixaanka.

 

 

QISHKA IMTIXAANKA GUDIHIISA AH:-

 

Xaaladaha qishka waxaa ka mid ah:-

a.Haysashada maado ama wasiiladeeda oo ay ku yaalaan macluumaad laxiriira maadada imtixaanka.

b.U gudbin ama kala kulmida kaalmooyin la xiriira gudasha imtixaanka.

c.Qarinta warqada jawaabta ama u dhiibid la,aanteeda ilaaliyaha imtixaanka marka uu dhamaado imtixaanka.

d.Isu ekaysiinta arday kale ama u ogolaashaha arday kale in uu isu ekeysiiyo inta lagu jiro imtixaanka.

 

TALAABOOYINKA LA QAADAAYO WAXAA KA MID AH:-

1. Hadii uu ardaygu sameeyo qish ficil ama hadal, madaxa kormeerayaasha qolka waxaa qasab ku ah in uu ka qaado ardaygaas maada qishka hadii lahelo kuna dhejiyo warqada jawaabta marka uu imtixaanka dhamaado asigoona qoraayo warbixin dhamaystiran oo la xiriirta arinkaas, warqadaha dhamaane waxaw ugudbihaa madaxa gudiga imtixaanaadka si uu ugu dudbiyo hormuudka kuliya si loogu ogolaado ardayga in uu sii wato imtixaanka.

2. Hormuudka kuliyada ku shaqa leh waxaw samaynaa gudi baara xaalada qishka ee ardayga una soo gudbiya dardaarankooda hormuudka kaasoo asigune u sii gudbinaayo gudiga kuliyada.

3. Ardaygii ay ku cadaato in uu sameeyay qish waxaa loo arkaa arday ku dhacay maadadaas waxawna u fadhiisahaa imtixaan mulxaqa, hadii uu qishka ku sameeyay imtixaanka mulxaqane waxaw soo celinaa daraasada maadadaas. Hadii uu soo naqnaqdo qishkiisane waxaa si guud ahaan ah ardaygaas looga cayrihaa kuliyada.

4. Xaaladaha qishka ee uu la socdo is badamarinta iyo isu ekeensiinta arday kale ardayga waxaa si guud ahaana looga cayrihaa kuliyada.

5. Xaaladaha hab dhaqaneed ee aan horay loo baran waxaa loo bandhigaa gudiga imtixaanaadka si ay uga qaataa go,aanada ku haboon.

6. Hadii gudiga kuliyada ku qanco - marka uu fiiriyay kidib dardaaranka uu soo gudbiyay gudiga xaqiiqo baarista - in ardayga ay khusayso ku kacay fal khilaafsan laa ixada imtixaanaadka, gudigu waxaw dardaarankiisa u gudbihaa gudiga cilmiga si uu umeel mariyo mid ama ka badan ciqaabaadka soo socdo:-

a.Ujeedinta digniin qoraal ah ardayga, asigoona saxiihaayo balanqaadkiisa ah in uu san mar danbe u naqaheen.

b.Ardayga waxaa loo arkaa mid ku dhacay maadadaas waxaana la siihaa eber.

c.Ardayga waxaa loo arkaa mid ku dhacay dhamaan muqararaadka mustawahaas.

d.Ardayga waxaa laga joojihaa dhigashada kuliyada in mudo ah oo uu xadidaayo gudiga cilmiga ee jaamacada.

e.Ardayga waxaa laga ceyrihaa jaamacada si guud ahaan ah.

f.Ku soo dhejinta mukhaalafadiisa iyo ciqaabtiisa dirbiga kuliyada iyo jaamacada.

 

IMAANSHAHA IYO JOOGTAYNTA:-

1.Ardaygu waxaw joogtayhaa imaanshiyaha dhamaan casharada.

2.Ardayga looma ogolaanaayo in uu sii wado muqararka galane imtixaanka kama danbaysta ah hadii nisbada imaanshihiisa ay ka yaraato todobaatan iyo shan (75%) boqolkiiba wuxdaadka waxbarashada muqararka inta lagu jiro simistarka, ardaygii laga reebay gelida imtixaanka maqnaashihiisa aawgeed waxaa loo arkaa mid ku dhacay muqararka.

3.Waxaa loo ogolyahay gudiga kuliyada ama cidii uu utalo saarto – si xaalad gooni ah – in uu ka qaado ka reebitaanka una ogolaado ardayga in in uu galo imtixaanka waase hadii uu ardaygu soo gudbiyo cudurdaar uu gudigu aqbali karo.

4.Ardayga looma ogolaanaayo in uu galo imtixaanka muqararka hadii nisbada imaanshihiisa ay ka yaraato konton (50%) boqolkiiba waxkasto oo uu cudurdaarkiisu naqdo.

5.Tira koobka maqnaashaha waxaa u xilsaaran macalinka muqararka asiga ayaana laga rabaa in uu udhiibo maamulka kuliyada cadaynmo bille ah.

6.Fiirinta cudurdaarada iyo go,aan ka gaarida hadii uu ardaygu sii wadaayo imtixaankane gelaayo waxaa u xil saaran gudi uu dhisaayo gudiga kuliyada waxayna muhiimada gudigaas dhamaanaysaa hal isbuuc ka hor inta uusan bilaaban imtixaanka kama danbays ka ah.

DIB UDHACA IYO KA GO,IDA DARAASADA:-

1.Ardayga waxaa loo ogolyahay in uu soo gudubsado codsi uu ku dalbanaayo in dib loogu dhigo daraasada cudurdaar uu gudiga kuliyada uu aqbali karo aawgiis waase hadii mudada dib u dhigashadu aysan dhaafin ugu badnaan lama (2) fasal oo is ku xigto, ama sedex (3) fasal oo aan is ku xigin inta uu dhiganaayo jaamacada, markaas kidib waxaa loo xiraa ku xirnaashahiisa jaamacada, gudiga kuliya waxaw xaq u leeyahay xaaladaha ay duruuftu keento in uu ka istisnoodo arinkaas.

2.Xiliga codsi dib u dhigashadu waw ka dhamaanayaa qofkii aan guda gelin dhamaanshaha isbuuca labaad ee bilaabashada daraasada.

3.Waxaa lalaabaa ku xirnaashihiisa jaamacada ardaygii ka maqnaado daraasada mudo shan iyo toban (15) maalin ah oo is ku xiriirta ama sodon (30) maalin ah oo aan is ku xiriirin in ta lagu jiro halka simistar.

 

DHICITAANKA:-

1.Ardaygii ku dhaco maado ama lama maado ama wax ka yar konton (50%) boqolkiiba maadooyinka simistar ka waxaw gelaa imtixaanka mulxaqa ah.

2.Ardaygii ku dhaco konton (50%) boqolkiiba maadooyinka simistar ka waxaa laga rabaa in uu soo celiyo dhamaan simistarkaas.

3.Ardaygii ku dhaca in ka badan konton (50%) boqolkiiba waxaa laga cayrihaa kuliyada.

4.Ardaygii ku dhaca imtixaanka mulxaqa waxaa laga rabaa in uu soo celiyo daraasada maadaas uuna imtixaano mar kale.

5.Ardaygi wata in ka badan afar (4) maado oo uu ku dhacay in ka badan hal mustawo looma ogolaahaayo in uu ugudbo mustawaha kale hadii uusan ku baasin maadooyinkaas uu ku dhacay xitaa hadii uu isku celceliskiisa taraakumiga ah uu yahay mid ka sareeyo 1.5.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip