Ardayda jaamacadda oo u fadiistay imtixaankii simistarka 1aad ee sanad waxbarashadeedka 2014/2015.

0
Monday January 12, 2015 - 11:54:16 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 9391
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ardayda jaamacadda oo u fadiistay imtixaankii simistarka 1aad ee sanad waxbarashadeedka 2014/2015.

    waxaa ka billawday Jaamacadda islaamiga sabti taariikh 3/1/2015 imtixaanka kama-danbeysta simisteka koowaad ee sanad jaamacadeedka 2014/2015, sida uu qorshuhu yahay waxuu socon-doonaa ilaa maalinta arbacadda 14 janaayo 2015.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waxaa ka billawday Jaamacadda islaamiga sabti taariikh 3/1/2015 imtixaanka kama-danbeysta simisteka koowaad ee sanad jaamacadeedka 2014/2015, sida uu qorshuhu yahay waxuu socon-doonaa ilaa maalinta arbacadda 14 janaayo 2015.

Prof.Maxamuud Ciise Maxamuud Gudoomiyaha Jaamacadda oo ay la wehliyaan xubna ka mid ah maamulka jaamacadda sida Gudoomiye ku xigeenka Prof. C/qadir Cali Muumin iyo Madaxa Imtixaanaadka Prof. Muuse Maxamud Calasow ayaa kormeer ku soo kala bixiyay dhamaan qeeybaha imtixaanaadka jaamcadda, si ay ugu kuur galaan habsami u socoshada howlaha imtixaanka iyo sida wanaagsan ee ardaydu ugu diyaar garoobeen imtixaanka, Prof. Maxamud Gudoomiyaha jaamacadda ayaa amaanay dadaalada wax ku oolka ah ee ay bixinayaan gudiga imtixaanaadku oo ku aadan adkaynta ilaalinta imtixaanka iyo diyaarinta jawi wanaagsan inta lagu guda jiro imtixaanaadka, sidoo kale Maamuluhu waxaa uu amaanay dowrka wanaagsan ee dhamaan kuliyaddaha iyo qaybaha kala duwan ee jaamacaddu ka qaateen dhamaystirida muqaraadkii loogu talagalay sida uu ahaay qorshaha jaamacadda, taasoo hubinaysa guulasha jaamacada ee dhanka barnaamijyadeeda waxbarasho, waxaana uu Maamuluhu u rajeeyay dhamaan ardayda iyo macalimiintaba guul iyo huruu mar.




Dhan kale prof. Muuse Maxamuud Calasow Madaxa Gudiga Imtixaanaadka ayaa asna dhankiisa ka cadeeyay in ay jaamacaddu si wanaagsan ugu diyaar garowday dhamaan howlaha imtixaanka, asigoo sheegay in hanaanka imitixaanka aad

 

loo hubiyay loona loona dijiyay qaabkii loogu talagay, asigoo tilmaamay in ay ardaydu bilaabeen gelida imtixaanka sidii qorshuhu ahaa iyadoo la dhowrayo jadawalka iyo waqtiga intaba, waxaana uu intaas ku deray wax kastoo khilaafsan habsami u socoshada imtixaanka ay gudigoodu ku xakamayn doonaan si waafaqsan shuruucda ugaarka imtixaanka.






 







Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip