waxay geli doonaan ardayda fasax yar oo ka kooban 2 sitimaan ka hor inta aysan soo laaban 31ka bishaan aan ku jirno iyagoo bilaabi doona simistarka 2aad ee sanadka.
Imtixaanku waxuu bilaawday sabti taariikh 3thjanaayo 2015 wuxuuna ku qabsoomay jawi aad u degen gacanna ku siinaya ardayda inay si wanaagsan ugalaan imtixaanka kalsooni ku jirto iyo degenaan dhowrayana waqtiga imtixaanka iyo goobtaba.
Aradaydu waxay u guteen imtixaankooda si wanaagsan oo hufnaan ku jirto, mana jirin wax eedeymo ah ee lala xiriirinaayo imtixaanka oo ay geysteen ardaydu, sidoo kale ma jirin wax dabacsanaan ama gaabis ah dhanka koontaroolka ama kor meerka, wuxuuna ku dhamaaday imtixaanku sidii loogu tala galay.
Gebegebedii jaamacaddu waxay ardaydeeda ugu hambalyeynaysaa dhameysashada imtixaanka iyo wiliba simisterka, ii doona u rejeysay guul iyo huruumar xagga waxbarashada iyo nolosha intaba.