Jaamacadda islaamiga ah oo bilaawaday tababaro

0
Wednesday June 24, 2015 - 11:29:07 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1288
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaamacadda islaamiga ah oo bilaawaday tababaro

    Jaamacadda islaamiga ah oo bilaawaday tababaro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jaamacadda islaamiga ah oo bilaawaday tababaro

Jaamacadda islaamiga ah ee soomaaliya ayaa iidoo kaashanaysa xarunta muqdishu ee dhanka cilmibaarista waxaa ay soo agaasinta tarababaro ay jaamacadu uga gol leedahay in ay kor ugu qaado heerarka waxbarasho ee ardayda, laguna kordhinaayo garaad kooda aqooneed ee dhinacyada luqada caribiga iyo cilmibaarista

Tabaradaan ay jaamacadu qabanayso ayaa bilaawday taariikh sabti 20-ka juune 2015, iidoona la rajaynaayo in ay socon doonaa mudo seddex (3) isbuuc ah lana soo gebegebeyndoono inshaa allahu maalinta arbacada ee 8-da juulaay 2015,waxaana ka qaybqaadanayo tababaradaan ardayda jaamacadda ee dhigtay kuliyadaha kala duwan ee jaamacadda, iidoone lagu qabanayo xarunta dhexe ee jaamacadda ee jidka warshadaha iyo faraca jaamacadda ee degmada dherkeynleey ee magaalada mudqisho, waxayna tababaradaanu ka koobanyihiin lama nooc oo kala ah:-

1.Tababar kor loogu qaadaayo xirfadaha luqada carabiga

Kooraskaan ardaydu waxay ku barandoonaan xirfadaha kala duwan ee luqada carabiga si faahfaahsan, waxayna ku tababaran doonaan sida ugu wanaagsan ee luqadda carabiga loo adeegsado qaab qoraal ahaane iyo ku hadal wiliba. Muhiimada uu tababarkaan uu leeyahay ayaa ah in uu laxariiro barashada luqada carabiga taasoo ah luqada uu qur,aanku ku soo degay, ahna luqada ugu erayada iyo xarfaha badane luqadaha aduunka.

2.Tababar kor loogu qaadayo xirfadaha cilmi barista:-

Tababarkaan waxaa si gooni ah uga faaiideysanaayo ardayda dhameysatay simisterka 6 aad ee jaamacadda hadane ugudbaayo simisterka 7aad isuna diyaarihaayo soo xulashada canaawiintii ay ka qori lahaay buuga qalin jebinta jaamacadda. waxayna ardaydu ku baran doonaan tababarkaan sida loo sameeyo cilmi baaris, sida macluumaadka looga raadsado internet-ka, sida lays kaga saxo khaladaadka, iyo wiliba sida ugu wanaagsan ee loo daabaco.

Ujeedada laga leeyahay tababarkaan ayaa ah in kor loo qaado cilmi baarista lana xoojiyo dhaqanka cilimista ee bulshada dhexdeeda ah iidoona laga bilaabo ardayda jaamacadda, lana dareensiinaayo in dunida maanta ay tahay duni tartar ugu jirto dhinaca cilmi baarista maadaama uu yahay kan asaaska u ah hormar kasta.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip