Xaflad Shahaado lagu godoonsiihaayay arday tababar dhamaysatay oo lagu qabto jaamacadda islaamiga ah (SAWIRO)

0
Saturday July 11, 2015 - 12:06:33 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2218
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaflad Shahaado lagu godoonsiihaayay arday tababar dhamaysatay oo lagu qabto jaamacadda islaamiga ah (SAWIRO)

    Xaflad Shahaado lagu godoonsiihaayay arday tababar dhamaysatay oo lagu qabto jaamacadda islaamiga ah (SAWIRO)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaflad Shahaado lagu godoonsiihaayay arday tababar dhamaysatay oo lagu qabto jaamacadda islaamiga ah (SAWIRO)

Taariikh arbaco 21 Ramadaan ee sanadka 1436 H, kuna beegan 8th bisha June ee sanadka 2015 waxaa xaflad lagu soo gebegebehaynaayay laguna gudoonsiinaayay shahaadooyin lagu qabtay jaamacadda islaamiga ah waxaana is ka kaashaday qabashada xafladaan jaamacadda islaamiga ah iyo xarunta cilmi baarista iyo daraasaadka ee muqdishu, tababarkaasne waxaa uu xooga saarayay lama dhinac oo kala ah:-

1.Dhinaca hormarinta xirfadaha cilmi baarista:- Waxaana tababarkaas ka faaiideystay ardayda dhamaystay fasalka lixaad (6) una gudbaayo fasalka todobaad (7) isuna diyaarihaa soo xulashada canaawiinta buuga qalinjebinta jaamacadda, waxaana ka qaybqaatay 145 arday oo ka kala yimid takhasusyada kala duwan ee jaamacadda.

2.Dhinaca hormarinta xirfadaha luqada carabiga:- Ujeeda tabarkaane waxaa uu ahaay kor u qaadida xirfadaha luqadeed ee ardayda iyo ku tababaridooda sidi ay u adeegsan lahaayeen luqada caribiga qoraal ahaan iyo hadal ahaanba, waxaana ka faa’iideystay tababarkaan 89 arday.

Xafladaan waxaa ka qaybqaatay maamulka, macalimiinta jaamacadda iyo ardaydi ka qaybqaatay tababarkaan sidoo kale madaxa xarunta cilmi baarista iyo daraasaadka ee muqdishu ustaad C/Wahaab Cali Muunim.



Bilaawgi xaflada waxaa lagu furfurtay aayadaha qur,aan ah kidbne waxaa ku xigsaday kalimaadka rasmiga ah ee xaflada, waxaana u xiriiriyaha barnaamijka xaflada ustaad C/laahi Maxamed Ciise uu makarafoonka ku soo dhaweeyay ustaad Muuse Maxamuud Calasow-Homuudka kuliyada Waxbarashada, waxaana uu ustaad muuse hadalkiisa xooga ku saaray muhiimada uu tabarkaan uu lahaay asigoo dhahay "labadaan tababr waxay dhaceen booskoodi waxayna jaamacadu mar waliba ku taameysay in ay qabato tabarkaan, waane muhiimada ay leeyihiin aawgeed” asigoona ku deray " waxaa lagama maarmaar u ah arday jaamacad dhiganayo in uu ku tababaranyahay sida loo sameeyo cilmi baaris iyo qaabka loo aruuriyo macluumaadka cilmi baarista, jaamacaddi aan cilmi baaris laheyne waxay lamid tahay geedaan miro laheen, jaamacad kastane waxaa lagu qiimeeyaa hadba inta ay awoodeeda cilmi baaris la egtahay, sidaas daraadeed mid ka mida ujeedooyinka ugu waaween ee jaamacadda islaamiga ah waa in ay dhiiri geliso cilmi baarista”, dhanka kale mar uu mar Calasow ka hadlaayay muhiimada uu tababarka luqadda carabiga uu leeyahay waxaa uu dhahay " luqada carabiga waa luqada qur,aanka kariimka iyo luqada waxbarashada ee jaamacadda sidaas daraadeed in ardayda lagu tababaro kor uqaadida xirfadooda luqadeed waxay u leedahay jaamacada muhiimad gooni ah”.
Dhanka kalane Dr Aweys Xaaji C/laahi oo ah Hormuud ka kuliyadda shareecadda iyo mid ka mida macalimiinti bixiyay tabatabarkaan waxaa uu dhahay " tababarkaan shalay waxaa uu ahaay mala awaal laakin maantane waxaa uu naqday mid dhab ah oo laga faaiideystay” waxaana uu ku daray " in kor loo qaado xirfadaha luqada ee ardayda si ay u woodaan in ay wax curiyaan waa mid ka mida ujeedooyinka jaamacadda” waxaana uu mar Cabdullahi ku dhiiri geliyay ardayda in ay is ka kabaan meelaha ay ka liitaan asigoona tilmaamay in tababarkaan uu yahay kaliya furo, ardaydane ay mas,uul ka yihiin in ay dhameystirtaan waxa u dhiman si ay u naqdaan kuwa hormar ka sameeyay dhamaan dhinacyada aqoonta, gaar ahaan aqoonta cilmi baarista iyo luqadda.
Dhan kale madaxa xarunta cilmi baarista iyo daraasaadka ee muqdisho mar C/Wahaab Cali Mu,min waxaa uu tilmaamay " qabashada tababaradaan waxay ku timiday iskaashi dhex maray xaruntaan iyo jaamacadda” asigoo ku deray " xarunta muqdishu iyo jaamacadda islaamiga waxaa ka dhaxeeyo xiriir qoto dheer oo saaxibtinimo, xarunta muqdishune waxay qorsheynaysaa in ay qabato tababaro kale oo kuwaan la mid ah iidoona la kaashanayso jaamacadda, waxuuna madaxa xarunta muqdishu ugu baaqay ardayda jaamacadda in ay ka faa’iideystaan tababarada xaruntu bixiso oo ah kuwa bilaasha, iyadoona xaruntu uqaybisay dadkii xaflada ka soo qayb galay buuga " warbaahinta iyo huwiyadda umadda”.
Gebegebadii waxaa xaflada soo xiray gudoomiye ku xigeenka jaamacadda mudane C/qaadir Cali Mu,min asigoona ugu horeen amaanay dadkii gacan ka geystay in uu qabsoomo tababarkaan, sidoo kale waxaa uu uga mahad celiyay xarunta cilmi baarista iyo daraasaadka ee muqdishu ka qaybqaadashadeeda tababarkaan, ugu danbeytiina waxaa loo qaybiyay ardaydi ka qaybqaatay tababarkaan shahaadooyinki tababarka.

waxaana muhiim ah in halkaan laga tilmaamo in tababarkaan uu bilaawday 20th june asigoona socday muda seddex isbuuc ah.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip