Tababar loo qabtay macaliimta jaamacadda islaamiga ah oo la soo xiray

0
Saturday August 08, 2015 - 14:30:19 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1643
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tababar loo qabtay macaliimta jaamacadda islaamiga ah oo la soo xiray

    Tababar loo qabtay macaliimta jaamacadda islaamiga ah oo la soo xiray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababar loo qabtay macaliimta jaamacadda islaamiga ah oo la soo xiray

Waxaa arbaco taariikh 5/8/2015 lagu soo gebegebeeyay xarunta dhexe ee jaamacadda islaamiga ah ee soomaaliya tababar loo qabtay  macalimiinta jaamacadda.

Tababarkaan waxaa lagu qabtay xarunta jaamacadda ee ku taalo jidka warshadaha ee magaalada muqdisho, waxaana ujeedada tababarkaan ahaay in kor loogu qaado laguna kobciyo garaadka xirfadeed ee macalimiinta jaamacadda ee dhinacyada diyaarinta casharada, qorsheyntooda, soojeedintooda, iyo sidoo kale maamulida fasaladda inta lagu gudajiro casharka, diyaarinta imtixaan koobayo dhamaan qorsha waxbarashadeedka fasalka waxbarasho iyo wiliba si wanaagsa uqiimeentiisa .

Tabarkaan waxaa uu xooga saarayay mawaadiic iyo dhinacyo badan oo muhiim u ah kor uqaadida heerka waxbarid ee jaamacadda iyo sidoo kale kor u qaadida xirfahadaha waxbarid ee macalimiinta jaamacadda, waxaana ka mid ahaay: waxbarashada iyo muhiimadda ay leedahay, hababka waxbarida iyo maamulida fasalada, qorsheynta wanaagsan ee cashirka, shaqada macalimka jaamacadda,hababka imtixaanaadka iyo qiimeytooda, iyo sidoo kale kormeerida cilmi-baarisyada jaamacadda.

Gebegedii tababarkaan waxaa soo xiray maamule ku xigeenka jaamacadda mudane / C.qaadir Cali Muumin, asigoone amaanay cid kastao gacan ka geysatay qabsoomida tababarkaan oo ay ka mid yihiin maamulka, dakaatiradda iyo macalimiinti ka qaybqaadatay tababarkaan.


Mr muumin waxaa uu xooga saaray muhiimada uu tabarka nuucaan ah u leeyihiin jaamacada, waxaana uu sheegay in kor uqaadista xirfadaha macalimiinta jaamacadda ee dhinacyada kala duwan ee waxbarida ay ka mid tahay ujeedooyinka waaweyn ee jaamacadda.

Ugu denbeytii mr muumin waxaa uu xusay in ay jaamacaddu qaban doonto waqtiyada soo socdo xaflad ugaar ah shahaado gudoonsiinta macalimiinti ka qaybqaadatay tababarkaan.

Waxaa xusid mudan in tababarkaan uu bilaawday maalinti sabtida ee 1 Agoosto asigoone qaatay muda isbuuc ah.
























Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip