Jaamacadda oo hishiis iskaashi waxbarasho ah la gashay Jaamacadda Al-Qur'aan Al-kariim iyo Culuumta Isalaamka ee Dalka Sudan.

0
Thursday October 29, 2015 - 08:40:29 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1978
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaamacadda oo hishiis iskaashi waxbarasho ah la gashay Jaamacadda Al-Qur'aan Al-kariim iyo Culuumta Isalaamka ee Dalka Sudan.

    Waxaa magaalada Khurtuum ee dalka Sudan hishiis waxbarasho ku gaaray jaamacadda Islaamiga ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Al-quraan Al-kariim iyo Culuumta Islaamka. hishiiskaan Waxaa saxiixay Ustaad Cabdullaahi Muxammed Ciise oo ah madaxa xafiiska Arima

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa magaalada Khurtuum ee dalka Sudan hishiis waxbarasho ku gaaray jaamacadda Islaamiga ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Al-quraan Al-kariim iyo Culuumta Islaamka. hishiiskaan Waxaa saxiixay Ustaad Cabdullaahi Muxammed Ciise oo ah madaxa xafiiska Arimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee jaamacadda Islaamiga iyo Prof. Axmed Saciid Salmaan oo ah gudoomiyaha Jaamacadda Al-quraan Al-kariim iyo Culuumta Islaamka.

Hishiisku wuxuu dhigayaa in labada Jaamcadood iskakaashadaan kor uqaadida waxbarashada cilmi barista iyo tababarada Si loo kobciyo tayada aqoota iyo xirfadda macalimiinta, sidoo kale wuxuu u ogolaanayaa ardayda dhameeysata jaamacadda islaamiga iney helaan deeq waxbarasho oo ah Master iy PhD, iyadoo ay ku xirtahay hadba heerka shahaado uu wato ardayga soo qalin jebiyay.

Hishiiskaan waxaa looga gol leeyahay in la balaariyo dhinacyada iskaashi iyo wax wada qabsi sida isdhaafsiga macalimiinta, baarayaasha cilmiga, buugaagta iyo qoraalada, qabashada Siminaaro, shirar aqoon isweydaarsiyo iyo kala faa’iideysi dhinaca xogta iyo waaya aragnimada ku saleeysan waxbarashada.

Hishiiskaan waxuu albaabada u furayaa in laga wada shaqeeyo kor uqaadida tacliinta sare, hormarinta manaahijta, lana xoojiyo wadiiqooyinka lagu hirgelin karo arimahaas oo dhan.

Iyadoo la ogyahay in Jaamacada islaamiga kamid tahay jaamcadaha ugu waaweyn ee Soomaliya, laga soo bilaabo sanadku markuu ahaa 2001, waxaa hirgeliyay jaamacadda Islaamiga aqoonyahano iskaashaday ka damqaday dhibaatadii ka dhacday dalka iyo burburkii ku yimid hay’adihii waxbarasho kadib markii ay burburtay dowladii dhexe ee Somalia.

Jaamacadd Islaamiga waxaa lagu yaqaanaa inay u gudbiso bulshada soomaaliyeed adeeg waxbarasho oo tayo leh, waxaana ka qalin jebiyay aqoonyahanno aad u badan oo haysta takhasusyo kala duwan, waxeey qaar kamid ah soo diyaariyeen shahaadooyinka Masterka & PhDda oo ay ka soo qaateen jaamacado waaweyn oo caalami ah, waxeyna ka shaqeeyaan hadda goobo muhiim u ah bulshada sida waxbarashada, arimaha bulshada, dhaqaalaha, garsoorka iyo adeegyada kale oo waxtar u ah dalka.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip