Jaamacadda oo xaflad qalinjebin u sameysay dufcada 11 aad ee ka qalinbejisay:-

0
Wednesday December 09, 2015 - 15:08:41 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1788
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaamacadda oo xaflad qalinjebin u sameysay dufcada 11 aad ee ka qalinbejisay:-

    Jaamacadda islaamiga oo xaflad qalinjebin u sameysay dufcada 11 aad ee ardayda ka qalinbejisay:-

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jaamacadda islaamiga oo xaflad qalinjebin u sameysay dufcada 11 aad ee ardayda ka qalinbejisay:-

Ururka Ardayda Jaamacada Islaamiga oo kaashanaya Hay,adda Horumarinta Bulshada ayaa soo qaban-qaabiyay xaflada qalin jebinta dufcada 11 aad taasoo laqabtay 21 safar 1437 kuna beegan 4 Desember 2015.

Xaflada ayaa waxaa ka soo qeybqalay ardaydii qalinjebisay tira ahaanna gaaraya 200 oo arday, maamulka, macamilinnta jaamacada iyo marti sharaf kala duwan oo ka kala socday qeybaha bulshada sida bahda waxbarashada, ganacsatada  warbaahinta iyo kuwa kale.

Jaamacadda Islaamiga waxaa la aasaasay sanadkii 1422 H kuna beegneed 2001, waxaana jaamacadda ilaa iyo hada ka qalin jebiyay 11 dufcadood taasoo ay ka midtahay dufcada maanta ay jaamacaddu xaflada u qabatay.

Jaamacaddu waxey xiriir fiican laleedahay jaamacadaha gudaha, kuwa dibada iyo qaybaha bulshada, waxeyna heshiisyo la saxiixatay jaamacado fara badan oo wadanka gudihiisa ku yaala si loo meelmariyo ujeedooyinka jaamacadda korna loogu qaado adeega ay jaamacaddu bulshada u heyso, sidoo kale jaamacadu waxey heshiisyo iskaashi la saxiixay jaamacaddu wadanka dibadiisa ah waxaana ka mid ah jaamacadahaas:

1.Jaamacadda Culuumta iyo Tiknoolojiyadda wadanka Yamen

2.Jaamacadda Gaazi wadanka Turkiye

3.Jaamacadda Caalamiga ee Afrika ee wadanka Suudaan

4.Jaamacadda Umu-durmaan Islaamiya ee wadanka Suudaan

5.Jaamacadda Qur,aan Al-Kariim ee wadanka suudaan.

Gebegebadii xaflada waxaa shahaadooyin la gudoonsiiyay ardaydii kaalmaha koobaad ka galay fasaladooda, sidoo kalane waxaa shahaadooyin sharafeed la gudoonsiiyay Hay'adda Hormarinta Bulshada, Hay'adda Manhal, Shirkada hormuud iyo Mac,hadka Al-Sunnah.

Ugu danbeyntii jaamacadda ayaa waxey ku dhawaaqday iney Deeq waxbarasho heer master ah siineyso shanta (5) arday ee kaalmaha koobaad ka galay fasaladooda, sidoo kalane ay qiimo dhimis usameyneyso inta kale ee soo hartay ardayda sanadkaan qalin jebisay.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip