Jaamacadda Islaamiga oo heshiis iskaashi dhanka wax barashada ah la saxiixatay Jaamacadda Umudurmaan Islaamiya ee dalka Suudaan:-

0
Saturday January 16, 2016 - 11:58:40 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1717
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaamacadda Islaamiga oo heshiis iskaashi dhanka wax barashada ah la saxiixatay Jaamacadda Umudurmaan Islaamiya ee dalka Suudaan:-

    Jaamacadda Islaamiga oo heshiis iskaashi dhanka wax barashada ah la saxiixatay Jaamacadda Umudurmaan Islaamiya ee dalka Suudaan:-

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jaamacadda Islaamiga oo heshiis iskaashi dhanka wax barashada ah la saxiixatay Jaamacadda Umudurmaan Islaamiya ee dalka Suudaan:-

Iyadoo laga duulayo meelmarinta ujeedooyinka jaamacadda Umudurmaan Islaamiya ee dalka Suudaan iyo ujeedooyinka Jaamacadda Islaamiga ah ee dalka Soomaaliya oo ku saleysan kor uqaadida tayada waxbarashada sare iyo cilmi-baarista dalka soomaaliya ayaa labada jaamacadood kala saxiixdeen heshiis iskaashi dhanka waxbarashada ah, heshiiskaane waxaa lagu saxiixay xarunta jaamacadda Umudurmaan Islaamiya ee dalka Suudaan.

Heshiiskaan waxaa dhanka Jaamacadda Islaamiga ah u saxiixay mudane ustaad/ Maxamed C/laahi Cabdi, iidoona heshiiska ujeedkiisu yahay in labada jaamacadooda iska kaashadaan dhanka cilmi-baarista, isdhaafsiga xogaha, buugaagta, macalimiinta, iyo abuurida barnaamijyo cusub oo wadaag ah, qabashada shirar, dood cilmiyeedyo u adeegaya danaha labada jaamacadood, sidoo kale heshiiskaan waxaa qeyb ka ah in ay Jaamacadda Umudurmaan Islaamiya ay siiso macalimiinta jaamacadda Islaamiga ah minxo wax barasho sare ah sida diktoorada iyo mastarka iyo in ardayda labada jaamacadood isdhaafsadaan booqashooyin si loo sii xoojiyo xiriirka labada joomacadood u dhexeeya.

Heshiiskaan waxaa uu imaanayaa xili ay Jaamacadda Islaamiga ah xooga saareyso kor uqaadida awoodeeda, hormarint siyaasadaheeda iyo barnaamijyadeeda si loo furo rajo cusub oo hiigsanayso mustaqbal wanaagsan kaasoo xoojinaya iskaashiga ay jaamacaddu la leedahay hay,adaha waxbarashada si loo gaaro ujeedooyinka jaamacada taasoo keeni karta miro wanaagsan oo ay gaarto waxbashada sare ee dalka Soomaaliya.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip