Qaar ka mida ardayda waxbarashada sare ee jaamacadda islaamiga ah oo difaacday cilmi-baarisyadooda ay ku gaarayaan darajada masteka

0
Thursday April 21, 2016 - 23:04:08 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1691
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaar ka mida ardayda waxbarashada sare ee jaamacadda islaamiga ah oo difaacday cilmi-baarisyadooda ay ku gaarayaan darajada masteka

    Qaar ka mida ardayda waxbarashada sare ee jaamacadda islaamiga ah oo difaacday cilmi-baarisyadooda ay ku gaarayaan darajada masteka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaar ka mida ardayda waxbarashada sare ee jaamacadda islaamiga ah oo difaacday cilmi-baarisyadooda ay ku gaarayaan darajada masteka

Jaamacadda islaamiga waxay furtay barnaamijka waxbarashada sare ee jaamacadda sanad waxbarashadeedkii 2013/2014 si loo daboolo baahida faraha badan ee bulshada soomaaliyeed ka heysato helitaanka waxbarasho sare oo tayo leh loona meelmariyo ujeeda jaamacadda ee ku dhisan kor uqaadida waxbarashada daraasaadka islaamiga iyo luqada carabiga iyo sidoo kale balaarinta cilimi baarisyada jaamacadda iyo baahintooda. Barnaamijyada ugu muhiimsan ee jaamacaddu bixiso ee la xiriira waxbarashada sarane waxaa ka mid ah:-

1.Maajisteer luqada carabiga ah

2.Maajisteer xadiis iyo culuumtiisa ah

3.Maajisteer tarbiya ( manaajihta iyo hababka waxbarida) ah

4.Maajisteer usuul fiqhi ah

5.Maajisteer luqada carabiga ah

Qeybti ugu horeysay ee ka qalin jebineyso barnaamijka waxbarashada sare ee jaamacadda ayaa waxey bilaabeen in ay difaacdaan cilmi-baarisyadooda si isxig-xigto, waxeyna jaamacaddu qabatay labadan bilooda doodo toos ah oo ay ardaydu ku difaacanayaan cilmi-baarisyadooda iidoone ay ka soo qeyb-geleen dad farabadan oo isugu jiro maamulka, macalimiinta, ardayda jaamacadda iyo marti sharaf kale.

Waxaana cilmi-baarisyadaaas soo gudbiyay ardayda kala ah:-

1.Cali Cabdiraxmaan Dhiblaawe

2.Cabdi rashiid Yuusuf Cabdullahi

3.Badru-diin Al-dayib Cabdisamad

4.Anisa Cali Cabdi

5.Cabdiraxman Abuukar Macalim Cali

Gudiyada garsoorka iyo difaacashadane waxay ka koobnaayeen dakaatiro waayo aragnimo durugsan u leh arimaha cilmi-baarista, markii ay dhamaatay difaacashadane ardaydii waxaa la siiyay natiijada mid kasta uu muteystay iidoone laga dalbaday in uu soo hagaajiyo meelaha u baahan in wax laga soo hagaajiyo.

Waxaa xusid mudan in difaacashadaan aysan eheen tii ugu horeysay oo jaamacaddu sameysay laakin waxaa horay u jiray cilmi-baarisyaal horey loo difaacday oo ay jaamacaddu sameysay.












Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip